Mareykanka oo beeniyay sheegashada Iran ee ah in ay khasaaro gaarsiiyeen diyaarad dagaal oo nooca F-16 ah | Horseed Media
Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa beeniyay sheegashada milatariga Iran ee ahayd in difaaca cirka ee dalkaasi uu gantaal ku dhuftay diyaarad dagaal oo Mareykanku leeyahay, taas oo la sheegay in ay khasab ku noqotay inay degitaan degdeg ah samayso.